(Glasgow) 28 Juun 2019 – Veronika Ricksen, oo ah xaaska xiddigga xanuunsanaya ee kooxda Rangers, Fernando Ricksen, ayaa sheegtay jookarka kubadda cagta ee Cristiano Ronaldo aanu wax kaalmo ah u gaysanin odaygeeda buka xitaa markii uu si gaar ah ula kulmay.
Mar ay waraysi siisay hilinka Ruushka ah ee Match TV, waxay Veronika sharraxday saxariirta uu qoyskeedu muquuranayo, iyadoo sheegtay inaysan wax kaalmo ah ka helin laacibiinta caanka ah.
“Markii aannu la kulannay Cristiano Ronaldo, runtii ma dhihi karo kuma farxin kulankiisa,” ayay tiri Veronika.
“Bella (gabadha Ricksen) way doonaysay in ay aragto nin ay iyada iyo aabbeheed ka daawadaan TV-ga. Fernando ayaa ka ballan qaaday kaddibna waxaan u duulnay Madrid si aannu u aragno asaga (Ronaldo).”
”Wuxuu gabadheenna siiyay funaanaddiisa oo dhidid badan, taasoo uu iska siibey ciyaarta kaddib waana iska dhaqaaqay. Odayga duqa ah ee FIFA [Sepp Blatter], magaciisa ma xusuustee, wuxuu noo ballan qaaday inuu noo samaynayo sanduuq lagu kaalmeeyo Fernando, balse runtii waxba nooma qaban,” ayay raacisay Veronika.
❤️❤️❤️ pic.twitter.com/9y9M40ZLsR
— Veronika Ricksen (@RicksenVeronika) June 29, 2017
Isabella dream comes true ??? pic.twitter.com/YvJdISRVVp
— Veronika Ricksen (@RicksenVeronika) October 18, 2016
Hadalsame Media