Dadka reer Cadaado oo qaaday tillaabo ku dayasho mudan & Khayrre oo… + Sawirro

0

(Cadaado) 27 Juun 2019 – Raysulwasaare Kheyre oo Goor dhow Furi doona Xerada Cusub ee Taliska Qaybta 21aad Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya qaybta 21-aad ee SNA oo dhismeheedu soo idlaadey.

Howshan waxaa si iskood ah u qabtey bulshada reer Cadaado si ciidamada Dowladda looga taageero In ay helaan fariisimo iyo xafiisyo ay saraakiishu ku shaqeyaan, sida uu sheegay weriyaha Cabdulaahi Warsame Rooble.

Dhanka kale, RW Khayrre ayaa weli wada hadal ka wada magaalada Cadaado, waxayna wararka ugu dambeeya sheegayaan inuu jiro faham guud iyo muwaafaqo ku salaysan in la sameeyo Galmudug micna leh.

Dadka degaanka Cadaado ayaa se ku doodaya in doorashadu ka dhacdo halkaasi, waase arrin aan weli bislayn oo wax iska beddeli karaan.

Arrintan ayaa salka ku haysa ballan qaad uu horay u sameeyay MW Farmaajo oo dadka degaanka u sheegay in uu Baarlamanku ku shaqaynayo Cadaado taasoo ah go’aan aysan xaq u lahayn ama gaari karin madaxda sare ee DF Somalia.

Hadalsame Media