DAAWO: Laba miig oo ay leeyihiin Ciidamada Cirka Jarmanka oo isku dhacay

0

(Mecklenburg-Western Pomerania) 24 Juun 2019 – Laba dayuuradood oo ah nooca Eurofighter oo ay leeyihiin ciidamada cirka Jarmanka ayaa iskula dhacay gobolka woqooyi bari ee Mecklenburg-Western Pomerania, sida ay xaqiijisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha dalkaasi.

Labada dayuuradood ayaa iskula dhacay hawada magaalo yar oo la yiraahdo Malchow, taasoo ku taalla meel ilaa 80km u jirta magaalada Schwerin, sida uu Der Spiegel u sheegay afhayeen u hadlay ciidamada Jarmanka.

Sida ay sheegtay Wasaaradda Warfaafinta, mid ka mid ah dayuuradaha ayaa ku dhacday meel kayn ah oo u dhow tuulada Jabel, halka midda kale ay ku dhacday 10 km ka fog oo koonfurta ka xiga tuulo la yiraahdo Nossentiner Huette.

Muuqaal la dhigay baraha bulshada ayaa muujinaya qaac labada gees ka baxaya, iyadoo ay qaar ka tirsan dayuuraddu ay ku dheceen degaan lagu nool yahay.

Labada dayuuradood ayaa ka wada titsan qaybta cirka ee Squadron 73 ‘Steinhoff,’ oo saldhigata meel u dhow magaalada Rostok, iyagoo sameeynayay duullimaad tababar ah, labadii duuliye ayaa baarashuudka ka goostay, waana bad qabaan.

Hadalsame Media