DAAWO: Min Salman Khan, Shah Rukh Khan, Aamir Khan, Kareena Kapoor ilaa Amitabh Bachchan: Baro aktarrada Bollywood kuwooda heesa!

0

(Mumbai) 23 Juun 2019 – Jilayaasha Bollywood ayaa waxay caan ku yihiin inay hees ku jilaan aflaamta ay jilayaan (play back), balse yaysan kaa hoos bixin, waxaa jira heeso ay qaarkood si dhab ah u qaadayaan oo ay xitaa codka leeyihiin.

Waxaannu haddaba idiin haynaa ilaa 10 jilaa oo ka mid ah kuwa heesa kuwooda ugu mudan ee aannu idiin hal-haleeyno:

1. Ayushmann Khurrana

Gabadhan oo aan sidaa weli u caan bixin ayaa 2003 soo gashay Bollywood, balse heesta Paani Da Raag iyada ayaa curisay oo qaadda, waxayna heestani ku jirtaa film-ka Vicky Donor oo uu sameeyay Sukanya Purkayastha.

2. Kareena Kapoor Khan

Dad badani xitaa siima saadinaynin inay Kareena leedahay hibo faneed oo dhanka heesaha ah, dabcan hibo faneed oo dhanka jilliinka ah haa! Ha yeeshee, dad badan baa indhaha taagey markii ay ka baxsatay heesta Deewana Hai Dekho oo ku jirta, hagaag film-ka caanka ah ee Kabhi Khushi Kabhie Gham.

Yeelkeede, halkaa kuma harine waxay Kareena quluubta taageerayaasheeda ku dhalaalisay hees ilaa maanta aroosyada xitaa laga qaado oo ah Papa Ki Pari Hoon Main oo ku jirtey Mein Prem Ki Deewani Hoon.

La soco qayb kale…..

Waxaa Diyaariyay: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media