(Washington, DC) 22 Juun 2019 – Madaxwaynaha Maraykanka ee Donald Trump ayaa sheegay in aanu doonaynin dagaal ay la galaan Iiraan, balse haddii laga fursan waayo waxaa jiri doonta “tirtirid aan abid horay loo arag,” ayuu yiri mar uu la hadlayay NBC.
Trump ayaa dhanka kale sheegay, in aanay jirin shuruudo “hordhac ah oo ka horreeya” wada hadal ay la galaan nidaamka Tehraan.
“Ma yeelan kartaa hub nukliyeer ah,” ayuu yiri Trump oo muujinaya in wax kasta oo kale laga wada xaajoon karo – balse haddii ay Tehraan wada hadal diiddo, wuxuu sheegay “inay muddo dheer ku noolaan doonto dhaqaale burbursan.”
Warkan ayaa imanaya kaddib markii uu isla Trump Khamiistii uu daqiiqadda ugu dambaysa joojiyey weerar duqayn ah oo lagu qaadi lahaa Israel, jeer ay wax kasta diyaar ahaayeen, taasoo muujinaysa sida aanu Maraykanku ugu degdegaynin Iiraan oo lagala tegi karo ilko jaban.
….On Monday they shot down an unmanned drone flying in International Waters. We were cocked & loaded to retaliate last night on 3 different sights when I asked, how many will die. 150 people, sir, was the answer from a General. 10 minutes before the strike I stopped it, not….
— Donald J. Trump (@realDonaldTrump) June 21, 2019
Sanctions on Iran is economic terrorism. We will respond to it by all means necessary. Today’s crisis stems from Washington’s withdrawal from JCPOA, and obstructing real diplomatic overtures. But this process is reversible. Every tangible constructive step will be met in kind.
— Hesameddin Ashena (@hesamodin1) June 21, 2019
Hadalsame Media