Ma ogtahay in NFD ay sharciyan ka tirsan tahay Somalia, marka la eego sharciga Ingiriiska? (Ogoow sababta?)

0

(Hadalsame) 21 Juun 2019 – Gobolka NFD ama sida ay Kenya haatan u taqaanno ”Woqooyi Bari Kenya” waa gobol ka tirsan dhulka Soomaaliyeed ee uu gumaysigu sida gardarrada ah uga gooyey Somalia, iyadoo haatan qayb ka ah waxa lagu sheego ”Shanta Soomaaliyeed” oo ah tibix siyaasadeed oo uu gumaysigu hindisey, balse ay khalad wayn tahay inuu adeegsado qofka Soomaaliga ihi.

Marka taariikhda dib loo raaco Soomaalida Kenya maamusho, oo haatan lagu qiyaaso ilaa dhowr milyan ahna bulsho ilaa maanta aad uga soocan Kenya oo xadgudubyo badan kula kacday, gaar ahaan xilligii Dagaalkii Shifta War, waxay aad u doonayeen inay dib ula midoobaan Somalia.

Sanaddii 1962-kii, sanad uun kahor xorriyaddii Kenya, waxaa gobolkaa laga qaaday afti rasmi ah oo uu Ingiriisku agaasimey, si loo waydiiyo inay ka mid noqonayaan Kenya-da dhalanaysa iyo inay dib ugu laabanayaan Somalia oo xor ahayd.

Warkoodu wuu caddaa, waxay si aqlabi ah ugu codeeyeen inay Somalia dib ula midoobayaan, balse dowladdii Britain ayaa diiddey dhaqan gelinta aftidaasi, taasoo ka mid ah godbaha badan ee istaraatijiga ah marna masiiriga ah ee uu dalkaasi ka galay Somalia.

Muwaadiniintii Soomaaliyeed ayaa deeto u hub qaatay inay dulmigaa ka dhiidhiyaan, waxaanay dowladda Kenya la dagaallamayeen tan iyo bishii Luulyo 1967-kii waxayna la kulmeen tacaddiyo nooc kasta ah, taariikhdan aannu kasoo sheekeeynay waa qayb ka mid ah sababaha aanu marna u fiicnayn xiriirka Kenya-Somalia ilaa maantadan la joogo.

Balse, midda qura ee ay tahay inay dadku xusuustaan, waa in NFD ay sharciyan, xitaa markii la eego waxa lagu sheego ”Xeerka Caalamiga ah” ee uu Ingiriisku ka mid yahay dadkii sameeyay, ay ka mid tahay Somalia, marka sheekadaba oo dhanba lagu dhisaalo natiijada aftidaasi ee la iska daayo inuu gobolkani ruuxiyan iy jismiyan Soomaali yahay.

Hadalsame Media