(Washington, DC) 21 Juun 2019 – Xildhibaanadda Soomaaliyeed ee Ilhaan Cumar ayaa hiillo u muujisey rafiiqaddeeda Alexandria Ocasio-Cortez, oo muran dhalisay kaddib markii ay xerooyinka laga dhisay xadka koonfureed ee Maraykanka ku mitaashey xeryihii uu Hitler Yuhuuddu iyo dadka kale ku gaasayn jirey.
Cumar (D-MN) ayaa se sii tweet garaysay gabalkaas muuqaalka ah, kaasoo uu ku jiro Angela Rye oo CNN ka sheegaysa in Maraykanku uu ku joogo jidkii Jarmankii Nazi-ga ee samaystey “xeryihii geerida.”
“1933-kii, waxay ahaayeen xeryo dadka lagu ururiyo. Balse 1941-kii waxay isu bedeleen xeryihii geerida – waana halka aannu u soconno haddii aanu damiirkeennu deg deg u shaqayn,” ayay ku qaylisay Rye oo la doodaysey Steve Cortes oo ka mid kaaliyeyaasha Trump.
Tweet-ka Cortez ee Ilhaan sii wadaagtey ayaa muran xooggan dhaliyey, iyadoo ay xarun sida la yiri lagu xusuusto gubitaankii Hitler oo ay Yuhuuddu leedahay, Yad Vashem, ay Ocasio-Cortez Twitter ugu soo qortay: “Baro xeryihii gubitaanka” iyagoo farta ugu fiiqay mareegta webkooda.
It’s not enough to say what’s happening at the border is a damn shame. It’s not enough to scream about the atrocities at the border. Kids are dying. Parents are dying. And your president thinks it’s game. It’s lawless and inhumane. Wake up, y’all. It’s time. pic.twitter.com/pTp9UBXXQ9
— A N G E L A | R Y E (@angela_rye) June 20, 2019
My heroes are the ones who stood up when it wasn’t easy.
Kids are dying in cages on our border. Families are being put in “freezers” & “dog pounds.”
Years from now, people will look for the journalists, officials, & everyday people who stood up for what was right in real-time.
— Alexandria Ocasio-Cortez (@AOC) June 19, 2019
Hadalsame Media