(Quddus) 21 Juun 2019 – Sanadihii dambe waxaa Khaliijka kasoo if baxay laba wiil oo lakala yiraahdo MBS & MBZ oo loo gaabiyay Maxamed Bin Salmaan iyo Maxamed Bin Zaayid, kuwaasoo sida muuqata u xil saaran sidii ay dunida Carabta iyo Muslimka ugu sandullayn lahaayeen waxay doonayso Israel.
Waxay haatan arrini gaartey heer ay labadan wiil ku faanaan qolyaha Sahyuuniyadda u ololeeya, sida ninka aasaasay Jamciyadda ”Saaxiibbada Yuhuudda” oo la yiraahdo Dr Mike Evans oo ka hadlayay shir sanadeedka warsidaha Yuhuudiga ah ee Jerusalem Post.
”Waxaan la kulmay MBZ iyo MBS, waxaana idiinkaga sheegayaa wax la yaab badan, hoggaamiyeyaashani ”Israel waa uga taageero badan yihiin Yuhuud badan”. ayuu yiri Dr Evans.
Waxaa jira warar isa soo taraya oo ah inay xitaa nimankani Israel la gaareen heshiisyo qarsoodi ah oo lagu xagal daacinayo qadiyadda Falastiiniyiinta dulman, oo aayohooda laga dhigayo balaq bacaad lagu tuuray.
Waxaa kale oo soconaya shir la qorshaynayo in lagu qabto Maanama oo ah caasimadda Baxrayn, halkaasoo ay dowladaha Sucuudiga, Imaaraadka iyo Baxrayn ay ku muujin doonaan taageerada Israel.
Hadalsame Media