DHEGEYSO: Sweden oo qaaliyaynaysa agab ay aad u adeegsato umadda Soomaaliyeed

0

(Stockholm) 20 Juun 2019 – Waxaa loo gaaro sanadka soo aaddan, waxaa la dabbiqi doonaa canshuur dheeraad ah oo la saarayo bacaha oo ka mid ah walxaha ay aadka u adeegsato Soomaalidu, sida uu sheegay hilin wareedka TV4 Nyheterna.

3 karoon ayaa laga qaadi doonaa bacaha caadiga ah, halka 30 senti lagu dallici doono bac khafiifta, sida kuwa khudaarta lagu qaato, taasoo ka dhigan in sicirka bacaha caadiga ah uu gaari karo ilaa 7 karoon oo ah lacagta Swedish-ka.

Ujeedka canshuurtan cusubi waa in qofka bacda gadanayaa uu laba jeer ka fikiro kahor inta aanu iibsanin, si uu isu waydiiyo inuu horta bac u baahan yahay iyo in kale, si loo gaaro bartilmaameedka Midowga Yurub oo ah in uu qofku sanadkii adeegsado wax aan ka badnayn 40 bacood.

Per Bolund oo ah Wasiirka Suuqa Maaliyadda Sweden sidoo kalena ka tirsan xisbiga cimilada u dhadhaqaaqa ee Miljöpartiet ayaa TV4 uga sheekeeyay sababta ka dambaysa go’aankan.

”Waxaannu dhibaato wayn ku qabnaa bacaha oo gaysta diqoow badan burburna u gaysta dabeecadda, degaanka, xayawaanka iyo dhirta ku nool badaha. Mana aqbali karno mustaqbalka,” ayuu Per Bolund (MP) to TV4.

Canshuurtan oo khasnadda dowladda soo gelin doonta lacag dheeraad ah oo dhan 2.9 bilyan oo karoon, ayaa waxay keeni doontaa in shaqaalaha laga khafiifiyo canshuuraha laga qaado. Xilliga ay dhaqan geli doonto ayaan se weli caddayn.

Hadalsame Media