DEG DEG: Maraykanka oo aan meesha ka saarin in uu weeraro dalka Iiraan

0

(Washington, DC) 20 Juun 2019 – Madaxwayne Donald Trump ayaa sheegay in aanu meesha ka saaraynin in ay weerar aar gudasho ah ku qaadaan dalka Iiraan kaddib markii ay Iiraan dhulka soo dhigtay daroon ay leeyihiin Ciidamada Badda Maraykanka.

Iiraan ayaa sheegtay in daroonkaasi uu kusoo xadgudbey geyiga Iiraan, halka uu Maraykanku ku doodayo in uu dul haadayey biyaha caalamiga ah.

Dayuuraddan is wadda ayaa lagu soo ridey gantaal ay soo ganeen ciidamada ilaalada Jamhuuriga Iiraan saaka aroortii (1135 GMT), sida uu xaqiijiyey taliska dhexe ee ciidamada Maraykanka ee US Central Command (CENTCOM).

“Tani waa xadgudub aanu daandaansi ka horreeynin oo lagula kacay agab sirdoon oo uu Maraykanku leeyahay oo maraya hawo caalami ah,” ayuu yiri kabtan Bill Urban, oo ah afhayeenka CENTCOM.

Mar Madaxwaynaha Maraykanka la hor dhigay su’aal ahayd inuu Maraykanku ka fikirayo in uu Iiraan weeraro wuxuu Trump ku jawaabey isagoo jooga Aqalka Cad, “Dhaqse ayaad u ogaan doontaan.”

Hadalsame Media