DAAWO: Turkiga oo sameeyay miig jiilka 5-aad ah oo u dhigma midka uu Maraykanku u diiddan yahay + Sawirro

0

(Paris) 29 Juun 2019 – Turkiga ayaa markii ugu horreeysey taariikhda carwo caalami ah oo dhanka dayuuradaha ah uga qayb galay dayuurad miig ah oo uu dalkaasi sameeyay, taasoo ay kusoo bandhigeen Carwo Cireedka Paris Air Show, oo ah mid ka mid ah kuwa nooceeda ah ee ugu waawayn caalamka.

Dayuuraddan oo ah nooca guuxooda ka dheereeya lana yiraahdo TF-X isla markaana ay dhistay dayuuradda Turkiga ah ee dayuuradaha iyo matoorradooda samaysa ee Turkish Aerospace Industries (TAI), ayuu ujeedku yahay inay dalkaa u bedelaan dayuuradaha uu Maraykanku sameeyo ee F-16 marka la gaaro 2030.

Maareeyaha Guud ee TAI, Temel Kotil ayaa u sheegay wakaaladda Anadolu Agency in ay sharikaddoodu doonayso inay dayuuraddani noqoto midda ugu wanaagsan qaaradda Yurub. Miiggan oo hal matoorle ah ayaa leh tayooyin casri ah oo u sahlaya inuu meelo sare gaaro isla markaana uu raadaarka ka dhuunto iyo isagoo awood u leh inuu ka saa’id caleeyo miigagga kale dhanka dagaalka cirka (dog fight).

Kotil wuxuu intaa raaciyay inay dayuuraddani si rasmi ah u howlgeli doonto 2025, isagoo sheegay inay la mid tahay dayuuradda jiilka 5-aad ee ay samayso sharikadda Maraykanka ah ee Lockheed Martin ee F-35, oo haatan Turkiga loo diiddan yahay in laga iibiyo.

Dhisidda dayuuraddan ayaa ka dhalatay heshiis ay kala saxiixdeen UK iyo MW Turkiga ee  Recep Tayyip Erdoğan mar uu dalkaa booqday bishii Maajo 13-15, 2018.

Mashruucan oo ay ku kacayso 4.8 bilyan oo euro ayaa shaqaalayn doona ilaa 3,200, iyadoo dadka si dadban uga macaashaya lagu qiyaasay ilaa 11,200.

Hadalsame Media