RASMI: Marco Giampaolo oo loo magacaabay Macallinka cusub ee Milan

0

(Milano) 19 Juun 2019 – AC Milan ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday macallinkii Sampdoria ee Marco Giampaolo oo la galay qandaraas 2 sanadood ah oo uu la socdo ikhtiyaarka mid 3-aad, isagoo bedelaya Gennaro Gattuso.

Macallinkan ayaa kansalay qandaraaskiisii kooxda Samp kaddib 3 sanadood oo uu kooxdaa ku sugnaa, isagoo usoo wareegey xerada Milanello, waxaana la rumaysan yahay inuu sanadkii qaadan doono €2m oo euro, ilaa Juun 30 2021.

Giampaolo ayaa noqonaya macallinkii 60aad ee abid qabta AC Milan, isagoo noqonaya kii 8-aad tan iyo markii la eryey Max Allegri bishii Janaayo 2014.

51-jirkan ayaa ku dhashay Bellinzona, Switzerland isagoo inta badan kaaliye macallin u soo noqday Giovanni Galeone, Aldo Agroppi, Edi Reja, Carlo Mazzone iyo Nereo Rocco kahor intii aanu iskii macallin u noqon 2004 oo uu qabtay Ascoli, kaddiba Cagliari, Siena, Catania, Cesena, Brescia, Cremonese, Empoli iyo 2016 oo uu qabtay Sampdoria.

Hadalsame Media