DHEGEYSO: Xubno laga cayriyay xisbiga cunsuriga ah ee SD, Bankiga Swedbank oo maamul cusub loo dhisay kadib fadeexad & warar kale…

0

(Stockholm) 19 Juun 2019 – Macallimiinta Swedish-ka ah ayaa guud ahaan la sheegay inay ku qanacsan yihiin shaqadooda macallinnimo, balse hal iskuul kuma hakadaan, waloow marka la eego heerka aqooneed ay u wanaagsan yihiin sida dalalka kale ee Scandinavia, sida ku qoran daraasad caalami ah oo ay samaysay hay’adda Talis oo u kuur gashay macallimiinta iyo maamulayaasha iskuullada caalamka.

Qiyaastii 90% ka mid ah macallimiinta Swedish-ka ah ayaa sheegay in faa’iidada shaqada macallinnimo ay kabadan tahay caqabadaha ku hareeraysan,  Peter Fredriksson waa Maareeyaha Guud ee Hay’adda Waxbarashada Sweden ee Skolverket, wuxuu se ka hadlayaa dhibaato kale.


Afar ka mid ahaa xubnaha Xisbiga Sverige Demokraterna ugu jirey maamulka degmada Stockholm ayaa laga saaray xisbigaasi, sida uu qorayo warside Dagens Nyheter.

Xubnahan xisbiga laga saaray ayaa baaritaanno lagu wadey tan iyo bishii Febraayo waxaana cayrintooda xaqiijiyay isla xisbiga SD.

Mid ka mid ah xubnaha la saaray ayaa ku dooday in ay arrintani salka ku hayso khilaaf ka dhashay siyaasiga Peter Wallmark oo ka tirsan madaxda SD oo uu sheegay inay soo jeediyeen in xilka laga qaado, maadaama buu yiri aanu lahayn xifradda hogaamineed ee loo baahan yahay. Wallmark ayaa Jannaayo lagu helay fadeexad ah inuu xil 2-aad isu magacaabay isagoo sidaa ku qaadanayey 2 mushahar.


Bangiga Swedebank oo waayadan dambe ey hareeyeen eedeeymo la xiriira in bangiga loo isticmaaley lacag suuqa madow lagu dhaqo, ayaa sidii la filayey ugu dambeeyn maanta u doortay madaxii hore ee dalka, hoggaamiyihii xisbiga Socialdemokraterna, Göran Persson.

Persson ayaa lagu doortay kulan aan caadi ahayn oo ey milkiileyaasha bangigu ku yeesheen Arbacadii maanta aqalka umadda ee magaalada Stockholm. Halka Josefin Lindstrand iyo Bo Magnusson oo ah ku simaha guddoomiyaha loo doortay xubnaha hoggaanka.

Pär Ivarsson oo ka howlgala laanta dhaqaalaha ee idaacadda SR ayaa sheegay in doorashada Perrson aad loo sugayey.

Göran Persson ayaa sheegay inaannu xilkan ka degi doonin illaa uu bangiga ka nadiifiyo tuhunnada dacwooyinka uga furan waddammada Estonia iyo Sweden iyo sidoo kale halista ganaaxa ee kaga soo beegan dalka Mareeykanka.

 

Hadalsame Media