Caddaymo hor leh oo MBS la xiriirinaya dilka Khashuuqji oo soo baxay (Sidii wax u dheceen)

0

(New York) 19 Juun 2019 – Dhaxal sugaha Sucuudiga Carbeed ayaa lasoo jeediyay in baaris lagu bilaabo isagoo ku eedaysan dilka weriye Jamaal Khashuuqji, kaddib markii ay QM sheegtay in la hayo “caddayn la isku hallayn karo” oo muujinaysa in isaga iyo saraakiil kale ay maleegeen fuliyeenna dilkiisa.

Warbixintan oo ka kooban ilaa 100-bog ayaa lagu lafa gurayaa sida uu u dhacay dilka Khashuuqji bishii Oktoobar, sida uu sheegay Agnes Callamard, dilka Khashuuqji waa “dembi caalami ah”.

Warbixinta ayaa adeegsatey codad laga helay gudaha Qunsuliyadda Sucuudiga ee Istanbul, iyadoo isku xirxirtey xogo fara badan oo ay ku jiraan mid uu mid ka mid ah saraakiisha MBS uu u dhaaranayo weriyaha la diley isagoo leh: “Waxaan u imanaynaa inaan ku qabanno.”

Warbixintu waxay sheegaysaa in markii uu Khashuuqji galay gudaha Qunsuliyadda la qabtay kaddibna loosoo bandhigay codsi ah inuu la shaqeeyo maamulka Sucuudiga, balse markii uu diidey la maqlay cod muujinaya harjad iyo neef wayn oo u eg qof neefta lagu dhejinayo, waxaa kaloo la sheegay inay dhici karto in xilligaas lagu duray cirbad sun ah kaddibna baco lagu ceejiyay.

Waxay warbixintani soo jeedinaysaa in tillaabo caalami ah laga qaado MBS iyadoo saluugaysa Sucuudiga iyo Turkiga oo aan arrintan u baarin si waafaqsan heerarka caalamiga ah.

Khashuuqji ayaa 2-dii Oktoobar lagu dhex qalay Qunsuliyadda Sucuudiga ee Istanbul, isagoo xilligaa ahaa 59-jir. Sucuudiga ayaa bilowgii inkirayay ku lug lahaanshiyaha dilkiisa, balse markii dambe qirtay, waloow uusan weli waxba ka qaban dadka diley.

Hadalsame Media