Yaa dadka Soomaaliyeed u daran dilka ay Shabaab ku hayaan & DUUMADA ay sheegeen inay ka buufinayaan?

0

(Hadalsame) 18 Juun 2019 – Duumo ama Malaariya iyo Shabaab yaa dhib ku haya Soomaaliya? Dhawaanta ayaa kooxda shabaab soo bandhigeen koox ay sheegeen in ay kaneecada ama dhilmaayada buufinayaan si dadka looga badbaadiyo qatarteeda.

Shabaabku waa koox hubeysan oo dadka ku leysa qarax iyo rasaas waxaana ay dileen tobankii sano ee la soo dhaafay dad badan oo ay ku jiraan hal doorkii umada soomaaliyeed.

Sanadkii marka laga soo qaato qiyaasta ugu yar oo laga dhigo in shabaabku dilaan hal qof maalinkii wuxuu noqonayaa 360 qof balse intaa ka badan ayeey dilaan.

Sanadkii 2017 waxaa heyada caafimaadka aduunka ay sheegtay in soomaaliya ay ku jirto kaalinta 34 marka laga hadlayo dhibaatada duumada.

Dhanka weerarada argagaxisada iyo amaanka soomaaliya waxa ay ku jirtaa kaalinta 7-aad iyada dhibka dalka ka jira ugu weyn uu yahay shabaab.

Hadaba yaa dalka dhib ku ah Shabaab iyo Kaneeco?

Waxaa Qoray: Maxamed Dhoorre

FG: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku saxiixan

Hadalsame Media