Kenya oo Norway ku eedaysay inay la safan tahay Somalia (Dacwad ay gudbisey)

0

(Nairobi) 18 Juun 2019 – Kenya ayaa muujisay inaysan ku faraxsanayn wax ay saxaafadda Kenya ku sheegtay inay Norway ku lug leedahay muranka u dhexeeya labada dal ee Somalia iyo Kenya.

Warqaadka Daily Nation ayaa qoray in Kenya ‘aysan ku faraxsanayn’ sharikad Norwegian ah oo ay sheegtay inay ku lug leedahay wax lagu tibaaxay ”dib u sawiridda” khariidadda Kenya. Shirkadda Norwegian-ka ah ee ay la sheegayaa waa DNO oo la sheegay in Somalia ay qandaraas ku siisay inay saliid ka baarto wax ay Kenya ku sheegtay ”dhul lagu muransan yahay.”

Wargayska ayaa qoray in Kenya ay arrintaa uga cabatay dowladda Norway, iyadoo sheegaysa inay ka xun tahay in sharikad dalkaa laga leeyahay ay la safato Somalia oo ay meesha ka saarto ”xadka Kenya.”

“Dowladda Kenya waxay ka carootey in Norway oo lagu wadey inay ka shaqayso nabadda Somalia ay ku lug leedahay dib u qaabaynta xadka,” ayuu wargayska u sheegay sarkaal Kenyan ah oo magaciisa qariyay.

KHARIIDAD KHALDAN?

Kenya ayaa sheegtay inay dareensan tahay in sheegashada Somalia ay dabada ka riixayso dan dhaqaale, taasina ay tahay sababta ay Somalia sharikaad saliideed ugu qaybisey ”khariidad khaldan” si sahan loogu sameeyo, sida ay ku doodayso Kenya.

Bishii Agoosto 2014, Somalia ayaa dacwaysey Kenya oo ay uga ashtakootey Maxkamadda International Court of Justice ee ku taalla magaalada Hague, Netherlands, iyadoo Kenya ku eedaynaysa inay kusoo xad gudubtey biyaha geyigeeda iyo qalfoof badeedkeeda.

Hadalsame Media