DHEGEYSO: Sweden oo diyaarinaysa maxkamadaynta dadka kasoo laabanaya dagaallada Suuriya

0

(Stockholm) 18 Juun 2019 – Waxaa xilliyadii dambe aad u kordhayey howlaha ay qabtaan dacwad oogayaasha dembiyada dagaalka iyo kiisaska la xiriira ee dalkan Sweden, taasoo keentay inay sameeyaan diyaar garow dheeraad ah. Waxaa dadka ay baaraan ka mid ah ashkhaasta Swedish-ka ah ee ku biira ururrada xag-jirka ah sida Daacish.

Reena Devgun waa dacwad ooge sidoo kalena waa xiriiriyaha dacwad oogayaasha dembiyada dagaalka. ”Waxaa dabcan jirta in la fili karo dad intii hore ka badan oo la tuhunsan yahay, balse waxaan sidoo kale la yaraysan karin in ay yimaadeen dad horay u tagey Suuriya,’’ ayay tiri Reena Devgun.

Marka la eego Xeerka Caalamiga ah, Sweden waxaa waajib ka saaran yahay inay baarto dembiyada dagaal, xasuuqa iyo dembiyada ka dhanka ah insaaniyadda, meel kasta oo uu dembigaasi ka dhoco, mana kusii jirto haddii dembiga uu galo qof xiriir la leh Sweden sida dadka ku biiraya kooxda Daacish.

Tusaale ahaan, waxaa jira dad lagu tuhunsan yahay ka qayb qaadashada xasuuq loo gaystey dadka Yazi-diga, iyadoo ay dembi baaraayaashu ay sanado ururinayeen xogo iyo cadaymo ku saabsan inay jiraan dad Sweden ka tegey oo lagu tacadiyay ama wax ku tacadiyay. Sidaa darteed waxaa jira danayn badan oo ka imanaysa dhanka Sweden oo ku aaddan dadka baara dacwadaha la xiriira dembiyada dagaalka, Reena Devgun markale.

”Waxaa jira xiise kordhaya oo ka imanaya waaxaha maamul iyo degmooyinka oo danaynaya inay ogaadaan waxa aannu qabanno iyo sida aannu u shaqayno, marka waxaan dareensan nahay inay baahiyi jirto waana inaan daboolnaa,’’ ayay daba dhigtay Reena Devgun.

Sida ay sheegtay Nabad Sugidda Sweden, waxaa jira qiyaastii 300  Swedish ah oo u safray Suuriya si ay ugu biiraan kooxo xag-jir ah oo kala geddisan, badankoodu se waa Daacish, waxaana Sweden kusoo laabtay ilaa 150 dadkaa ka mid ah, halka tiro kale oo aan la aqooni ay ku jiraan xero ku taalla woqooyiga Suuriya.

Xigasho: Idaacadda Sweden

Hadalsame Media