(Stockholm) 18 Juun 2019 – Xilli ay saacaddu ahayd 1.30 saqda dhexe habeenkii u dhexeeyay Sabtigii iyo Axaddii, Cali Jaamac oo ah nin Soomaali ah oo wade ka ah gaari bas ah oo ka mid ah gaadiidka dadwaynaha ayaa meel boosteejo ah ku arkay walax uu ka shakiyay, mar uu marayay Tritonvägen oo ka tirsan Sundbyberg, Stockholm.
Haweenay rakaabka ka mid ahayd oo iyaduna waxa aragtay ayaa darawalka Soomaaliga ah ka codsatay in aanu istaagin maxaddada Tritonvägen oo uu toos u socdo. ”Waxaan qiyaasay inay bambo tahay,” ayuu Jaamac ku yiri SvD oo uu kula kulmay Bergshamra.
Wuxuu sheegay in uu booliiska wacay 40 daqiiqo kaddib isagoo kahor la hadlay shirkadda maamusha baska uu wado, wuxuuna sheegay inay booliisku khadka ugu jireen markii dambena ay soo daba galeen, iyagoo ku joojiyay maxaddo ku taalla Sundbybergs Torget.
– Khadka ayay iigu jireen ilaa ay igu amreen inaan baska joojiyo, deeto waxay igu dheheen “hagaag Cali, dhig telefoonka oo dibedda usoo bax adigoo gacmaha sare u taagaya madaxana saaraya”.
Cali Jaamac wuxuu isagoo yaabban qaatay amarkii sida uu sheegayna laba booliis ah ayaa gacmaha ka xirey, halka uu mid kale baaritaan gees ka gees ah ugu dhaqaaqay.
”15-20 daqiiqadood waxaan u xirnaa booliiska, waxayna mudadaa telefoon kula hadlayeen saaxiibadood oo baaritaan ku haya kartoonkii meesha yaalley. Kaddib waxay soo direen wacaal ah inaan wax halis ihi ku jirin, waxayna ii sheegeen inaan xor ahay oo aan baskayga kaxaysan karo.” ayuu yiri Jaamac.
”Sweden waa jeclahay waana ka shaqeeyaa, balse sideen booliiska u wacayaa haddii aan mustaqbalka arko wax aan ka shakiyo?”
Marka uu booliiska wacay iyo goorta Jaamac la fasaxayo ilaa markii uu baskiisii ku noqday waxay qaadatay ku dhowaad saacad iyo bar. ”Waxaan Sweden deganahay 9 sanadood oo qoys iyo carruur ayaana ii joogta, laakiin waxa ay booliisku igula keceen ma fahmin iyaguna weli iima sharrixin, waayo amaanka rakaabkaygu waa ii muhim.” ayuu yiri Jaamac.
”Sweden waa jeclahay waana ka shaqeeyaa, balse sideen booliiska u wacayaa haddii aan mustaqbalka arko wax aan ka shakiyo?” ayuu is waydiiyay.
Booliiska ayaan weli arrintan ka hadlin.
FG: Cali Jaamac ma aha magaca rasmiga ah ee darawalka Soomaaliga ah
Hadalsame Media