GODOB & GEERI: Ma aamini kartid sida loo BAHDILEY Maxamed Mursi (Arag fal-celinta caalamka)

0

(Qaahira) 17 Juun 2019 – Madaxwaynihii hore ee dalka Masar Maxamed Mursi ayaa dhintay kaddib markii uu la dhacay wax suuxdin u eg jeer uu ku sugnaa maxkamad si joogto ah loo saarayey tan iyo markii xilka la tuuray.

Dunida ayaa siyaabo kala geddisan uga fal celisey geeridan faj’ada ah ee marxuum Mursi oo ahaa Madaxwaynihii ugu horreeyey ee si dimoqraadi ah loo doorto.

Amiirka Qadat Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani

“Waxaa nasoo gaarey wacaal murugo leh oo ku saabsan geeri deg deg ah oo ku timid Dr Mohamed Morsi. Waxaan u tacsiyaynayaa qoyskiisa iyo shacabka Masar. Ilaah baan ka ahaannay isaga ayaana u laabanaynaa,” ayuu yiri Sheikh Tamim oo Twitter adeegsanaya.

MW Turkiga Recep Tayyip Erdogan

Recep Tayyip Erdogan, ayaa isna wuxuu u tacsiyeeyay Mursi, oo uu ugu yeerey “shahiid”.

“Ilaahay ha u naxariisto walaalkeen iyo shahiid Mursi,” ayuu yiri Erdogan, oo xiriir wanaagsan la lahaa Mursi xilligii madaxtinnimadiisa.

Qaramada Midoobey

Afhayeenka QM Stephane Dujarric ayaa isna tacsi u diray Mursi qoyskiisa iyo taageerayaashiisa.

Human Rights Watch

Sarah Leah Whitson, oo hay’addan ugu qaybsan Bariga Dhexe iyo Woqooyiga Afrika ayaa sheegtay in geerida naxdinta leh ee Mursi ay ahayd “mid gebi ahaanba lasii saadaalin karey”, maadaama ay dowladdu u diiddey in la daweeyo.

“Si dhow baannu arrintiisa u diiwaan gelinaynay sanadihii uu xirnaa. Markasta oo uu maxkamadda yimaado wuxuu codsan jirey in caafimaadkiisa la baaro, bale cunto iyo dawo ku filanba waa loo diidey,” ayay Whitson u sheegtay Al Jazeera, iyadoo tilmaantay inuu aad u caatoobey marar badan oo horena uu maxkamadda ku dhex suuxay.

Waxaa kale oo ay sheegtay in loo diidey inay qoyskiisu booqdaan, inuu TV daawado, e-mail dirsado ama xiriirba sameeyo, isagoo kaligii meel cidlo ah lagu xirey.

Wiilka Mohamed Mursi

Wuxuu boggiisa Facebook kusoo qoray farriin gaaban oo uu ku xaqiijinayo geerida aabbihii.

“Iilaahay hortiisa ayaan annaga iyo aabeheen ku midoobi doonnaa,” ayuu soo qoray.

Khaarajin qorshaysan? Xubin ka tirsan Ikhwaanul Muslimiinka

Mohammed Sudan, oo ka mid ah ururkaasi garabkiisa London ayaa geerida Mursi ku tilmaamay “dil laga shaqeeyay”, maadaama loo diidey dawayn iyo inay ehelkiisu soo booqdaan, iyadoo aanu xitaa jirin hal qof war ka hayey xaaladdiisa caafimaad.

“Waxaa lagu xabbisay qafis dhalo ah oo aanu qofna ka maqlaynin waxa uu sheegayo ama ogayn waxa ku dhacayey. Cid booqata looma ogolaanin muddo sanad ku dhow. Wuxuu muddo fog ka hor ka cabanayay inaan dawadiisa la siinin. Tani waa khaarajin laga shaqeeyay.” ayuu yiri.

Waxaa Diyaariyay: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media