DEG DEG: Madaxwaynihii Masar Maxamed Mursi oo geeriyoodey

0

(Qaahira) 17 Juun 2019 – Madaxwaynihii hore ee Masar Muxamed Mursi ayaa la sheegay inuu maxkamad ku dhex dhintay, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda Masar.

Mursi (AUN) oo 67-jir ah ayaa xilligii geeridiisu timid xilli uu maanta ka qayb gelayey dacwad uga furnayd maxkamad waxaana la sheegay inuu mar qura dhacay kaddibna dhintay, iyadoo maydkiisa isbitaal lop qaaday.

Mursi ayaa haatan xabsiga ugu jirey xukun 7 sanadood ah oo loo cuskaday wax lagu sheegay inuu been abuuray codsigii musharraxnimadiisa 2012-kii. Waxaa sidoo kale ku socdey dacwooyin kale oo fara badan.

Madaxwaynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan, oo Mursi ku tilmaamay “shahiid,” ayaa uga tacsiyeeyay qoyskiisa iyo shacabka Masar.

Mursi wuxuu ahaa Madaxwaynihii ugu horreeyay ee abid si dimoqraadi ah loogu doorto dalka Masar, balse waxaa 2013 xilka looga tuuray afgembi ciidan oo uu hoggaaminayey Abdel Fattah el-Sissi.

Hadalsame Media