(Muqdisho) 16 Juun 2019 – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayrre, ayaa booqasho dhiirri gelin ah ugu tegay ciidamada ammaanka ee shalay ka hor tegay laba weerar oo argagaxisadu doonayeen in ay dhibaatooyin xooggan ugu gaystaan ummadda Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayrre oo ciidamada ugu tegay baraha ay ku sugnaayeen ayaa ku ammaany feejintaanta ay ka qabaan dhagaraha cadawga, waxa uuna kula dardaarmay in ay laba jibbaaraan si loo baajiyo dhibaatooyinka ay la doonayaan shacabka Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ciidanka iyo saraakiishooda u sheegay in madaxda qaranku ay aad uga war qabaan dadaalka wanaagsan ee geesinimada xambaarsan ee ciidamadu ku jiraan, lana abaal marinayo ciidamada amniga ee isku hor gudbay cadawga, dhiigoodana u huray badbaadinta shacabka Soomaaliyeed.
Shacabka Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay in ay qayb ka qaataan sugidda amniga, oo ay laamaha amniga la soo wadaagaan xogaha muhiimka u ah adkaynta amniga, sida lagu faafiyay warbaahinta dowladda Somalia.
Hadalsame Media