DAAWO: ”Ma Messi ayay ka jajaban tahay mise Argies ayaan meelna u jeedin?” – Doodihii Messi darraabayey oo dib u bilaabmay + Sawirro

0

(Salvador) 16 Juun 2019 – Xulka Argentina ayaa guuldarro ka nixiso ah ku bilowday ololaha Copa America kaddib markii ay 2-0 la dhacday Colombia, balse kabtankooda Lionel Messi ayaa weli ku doodaya “inay taa kasoo kaban karaan.”

Colombia ayay guushani u tahay toodii ugu horreeysey ee ay ka keenaan Buluug-cireedyada tan iyo 2007-dii, waxaana goolasha u kala dhaliyay laba laacib oo beddel ku yimi oo kala ah Roger Martinez iyo Duvan Zapata kulan ka dhacay Arena Fonte Nova oo ku taalla Salvador.

Argentina ayaa waloow ay in badan gacanta ku haysey kubadda aan misna taa u tarjumin wax guul ah iyadoo ay iminka dadku soo celiyeen dooddii ku saabsanayd waxa Messi ka khaldan marka uu safto dalkiisa iyo kuwa kale oo qaba inay laacibiinta qarankiisu yihiin kuwa gabay dhankoodii.

Hoos ka eeg jawaabaha iyo fal-celinta jamaahiirta….

 

Hadalsame Media