XOG: AC Milan oo soo qaadatay laacibka Jordan Veretout (Daawo)

0

(Firenze) 13 Juun 2019 – Sida uu faafinayo hilinka Sportitalia, AC Milan ayaa la heshiisey laacibka Jordan Veretout oo u safta Fiorentina, kaasoo ay kusoo qaadatay 25 milyan oo euro.

Naadiga Rossoneri ayaa laacibka uga dheeraysay kooxda SSC Napoli. Laacibkan French-ga ah oo dhashay 1993-kii ayaa xoojinaya khadka dhexe ee Milan oo ay ka bexeen laacibiin ay ka mid yihiin Riccardo Montolivo, José Mauri iyo Andrea Bertolacci.

Yeelkeede, imaanshiyaha laacibkan ayaan caqabad ku noqon doonin Stefano Sensi, balse waxay mugdi gelinaysaa mustaqbalka qawaarka Lucas Biglia, maadaama ay Veretout iyo Sensi buuxin karaan boosas badan oo dhexda ah.

Haddii lasoo gaabiyo, weli xog badan lagama hayo heshiiska deg degta ah ee dhexmaray Milan iyo milkiilaha cusub ee Fiorentina ee Rocco Commisso oo ah taajir Talyaani Maraykan ah.

Hadalsame Media