(Hadalsame) 13 Juun 2019 – Xuseen Jaamac, sida uu hadda yahay amniga Muqdisho ayaad warbixintaada ku saleysay, weyna jirtaa iney xaaladda amniga sidii hore ka yara fiican tahay, laakin isku day inaad su’aalahaan ka jawaabtid.
(1) Maalmahaan ma maqashey eedeyn ku saabsan amniga oo ka imaaneysa dadka aad mucaaradka ku sheegtay? Maxaadse u maqli weyday maalmahaan eedeymo dhinaca amniga ah?
(2) Maalmihii sii horreeyay ee ay badneyd eedda dowladda ee dhinaca amniga, sidee ayey aheyd xaaladda Amniga ee Muqdisho? Dad intee la eg ayaa qaraxyo ku la’anayay Muqdisho gudaheeda bishii? Qaraxyadii is daba joogga ahaa ee laga cabanaayay ma been bey ahaayeen cabashooyinka?
(3) Cabashada iyo eedeynta dowladda ee wax ka qabasha la’aanta amniga iyo qaraxyadii is daba joogga ahaa sida daawo uu dhakhtar soo qoray ma dhibaatooyin jira oo run ah oo shacabka heysta ayey ahaayeen mase cabasho been ah ayey aheyd?
(4) Qofkii beryahaa ka cawday amniga ama dowladda ku dhaliilay xaaladda amniga ma mucaarad buu ahaa?
(5) Dowladda hadda wey dadaashay ee maa la amaano ayaad tiri, see dadaalka hadda ah u rabtaa in lagu amaano adigoo diidan dadaal xumadii ka horreysay ee lagu dhaliilay?
(6) Waxaad sheegtay dowladda iney Mudan tahay in lagu amaano sida uu hadda yahay amniga, ma xuma, balse siduu ahaa amniga muddadii ka horeysay waqtigan hadda ah yaase eedeeda leh? Dowladda yey amni xumadii jirtay u ciqaabtay wax ka qabasho la’aanta amniga ee waqtigaa jirtay?
(7) Amniga in la sugo waajib caadi ah oo laga rabo dowladda iney gudato miyaa, mase waa dadaal dheeri ah oo ay sameysay oo ay ku muteysaneyso in lagu amaano?
(8) Maadaama ay dowladda beryahaa sugi weyday amniga, maxey u qabatay ehelada dadkii qaraxyada ku dhintay iyo hantidii shacabka uga burburtay ee ka soo saartay saboolka?
(9) Hadda aniga mucaarad miyaan ahay?
Waxaa Qoray: Siyaasiga Cali C Cosoble
FG: Qoraalkani wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku saxiixan
Hadalsame Media