(Oslo) 13 Juun 2019 – Agaasimaha Guud ee Waaxda Socdaalka Somalia, Col. Maxamed Aadam Jimcaale Koofi oo ay wehlinayaan ku Xigeenka Agaasimaha Guud Mudane Cabdullahi Xaaji Bashiir, la taliyaha sare iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Hay’adda oo safar shaqo ku jooga dalka Norway ayaa kulan la qaatey Hay’adda Socdaalka Dalka Norway.
Agaasimaha Guud iyo Wefdigiisa oo ka qeyb galayey kulamo sanadle ah oo ay yeeshaan Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya iyo Hay’adda Socdaalka Norway ayaa sidoo kale kulamo la qaatey madax sare oo ka tirsan Wasaaradaha Caddaaladda iyo Arimaha dibadda Norway iyo sidoo kale saraakiisha booliiska Dalkaasi.
Kulamadaan ayaa looga hadley xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinaca socdaalka, iyada oo sidoo kale Agaasimaha Guud iyo wefdigiisa ay booqdeen Garoonka caalamiga ah ee Oslo soona arkeen hab-maamulka socdaalka garoonka.
Ujeedku wuxuu yahay in la xirfadeeyo qaabka ay u shaqeeyaan garoomada Somalia, si loo hufo loona hagaajiyo adeegyada la siiyo shucuubta mareeysa garoomadaasi, oo mararka qaar la kulmo dhaqamo ka hooseeya heerka caalamiyan loo baahan yahay inay joogto xirfadda shaqaalaha goobahaasi oo kale ka howlgelaya.
Hadalsame Media