Qof kasta ma laha WEJIGA uu muujinayo! (Akhri sheekadan si aad nuxurka u fahamto)

0

(Hadalsame) 12 Juun 2019 – Labo dumar ah oo wada socdo ayaa booqasho u aaday beer lagu xanaaneeyo xayawaanka si ay u soo daawadaan nolosha halkaasi ka jirto iyo nuucyada kala gedisan ee xayawaanka oo ay sheeko mooyee shaahid ku arag.

Sida arrinku yahay dumarkii waxa ay gaareen xeradii xayawaanka kadibna gudaha u geleen beerta illaama ay Indhahooda qabtaan daanyeer la ciyaarayo xaaskiisa ayna ka muuqato farxad aad u ballaaran, haddaba mid kamid ah labadii dumar oo la yaaban naxariista iyo maxabada u dhaxeeyso labada daanyeer ayaa saaxiibteed ku tiri – Alla maxay tahay sheeko jaceyl oo aad u qurux badan.

Dumarkii waxa ay sii wateen socodkoodii oo ay marba meel ku tegayeen, waqti xaadirkaan waxaa dhacday in ay soo siyaartaan qeybtii u gaarka aheyd xanaanada libaaxa oo ay kula kulmeen libaax Aar ah oo aamusan banaankana fadhiya halka xaaskiisa ay iyana fadhiso goob wax yar ka fog iyadoo laga dareemayo in uusan u dhaxeeynin wax xiiso iyo xubi ah toona, intaas kadib gabdhahii wada socday mid kamid ah oo la yaaban xaaladdaan ayaa waxa ay mar kale tiri – Alla maxay tahay sheeko jaceyl oo aad u xun.

Saaxiibadda la socota gabadha oo qof indheer-garad ah ayaa u soo jeedisay saaxiibteed bal in ay dhalo ku tuurto dhanka Goosha si ay u aragto ficilka uu sameeyo libaaxa Aarka ah ee masaafada badan u jira halka ay Gooshu fadhiso.

Waa yaab iyo lama arkaan, libaaxii Aarka ahaa intuu qeeyliyay ayuu dagaal isku diyaariyay si uu u difaaco xaaskiisa, si kastaba xaalku ha ahaadee intaas oo keliya kuma aysan ekayn tijaabada ee waxa ay mar kale dhaladii ku tuureen daanyeertii oo isku dhagan laakiin nasiib darro daanyeerkii ninka ahaa waa uu cararay si uu naftiisa u badbaadiyo isaga oo aan hubsan halka ay xaaskiisa ku dambeeyso.

Guud ahaan nuxurka ku jiro sheekada waxa uu yahay in aan lagu kedsoomin waxa ay dadka hortaada ku sameeyaan, waxaa jiro qof dadka ku khiyaano muuqaalkiisa beenta ah oo haddii ay dhibaato dhacdo meel cidlo ah kaaga dhaqaaqo iyo qof muuqaalkiisa dhabta ah ku qarsado qalbigiisa oo aan marnaba la qiyaasi karin illaama ay ka timaado baahi looga maarmi waayo taasi oo sababto inuu naftiisa kuu huro.

Qalinkii: Abdiqani Gaarane Barre (Dufle)

Hadalsame Media