DAAWO: Iiraan oo soo bandhigtay gantaalo hal mar 6 bartilmaameed cayrsanaya + Sawirro

0

(Tehraan) 10 Juun 2019 – Iiraan ayaa soo bandhigtay hannaan difaac cireed cusub oo ay iyadu farsamaysatay, saacado uun kaddib markii ay Midowga Yurub ku boorrisey inay ixtiraamaan heshiiskii nukliyeerka ee ay 2015 la galeen.

Gantaalkan cusub oo la yiraahdo Khordad 15, ayaa mar qura raadin kara ilaa 6 bartilmaameed, kuwaasoo ay ka mid yihiin dayuuradaha guuxooda ka dheereeya, kuwa wax duqeeya iyo daroonnada, kuwaasoo uu burburin karo marka uu helo.

“Iiraan waxay doonaysaa inay xoojiso cududdeeda ciidan si ay u ilaaliso daneheeda qaran iyo amaankeeda, cid ay taa fasax uga qaadanaysana ma jirto,” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Amir Hatami oo soo bandhiggidda hubkan casriga ah ka hadlay.

Hubkan ayaa u qaab eg gantaalaha uu Maraykanku ku faano ee difaaca cirka ee Patriot-ka loo yaqaanno, shaki la’aanna waa mid kordhinaya cududda gorgortan ee dalkan oo muddo dheer u go’doonsan dalalka Galbeedka oo fikirkooda gelin la’.

Hadalsame Media