(Copenhagen) 08 Juun 2019 – Daraasad cusub oo haatan soo baxday ayaa sheegaysa in qanaaca la’aanta ka dhalata ragga qaba xaasaska xasaradda badan ay 3 jeer caafimaad ahaan ka halis badan yihiin ragga kale.
Daraasaddan oo ay samaysay Jaamacadda University of Copenhagen laguna daabacay Journal of Epidemiology and Community Health ayaa lagu waraystay 9,857 oo rag iyo haween ah, kuwaasoo u dhexeeya da’da 36 ilaa 52 sanadood.
Waxaa soo baxday in dhimashada faj’ada ihi ay ku badan tahay ragga qaba haweenka qaylada iyo khilaafka badan.
315 ka mid ah dadkaa la waraystay ayaa markii dambe u dhintay diiqad ka dhalatay muran kala dhexeeya jaalalkoodii, sidoo kale qanaaca la’aanta xiriirka ayaa lagu sheegay in ragga da’ dhexaadka ihi ay 3 jeer geerida faj’ada ah uga dhow yihiin dadka kale.
“Raggu, si ka duwan haweenka, inta badan kama sheekeeyaan arrimohooda khaaska ah ama waxay la wadaagaan saaxiibbo yar ama xubnaha qoyskooda. Waxaa sidoo kale jira rag aan marnaba ka hadlin. Waana sabab keeni karta inay raggu darteed geerida ugu bataan, “ayay tiri Dr. Rikke Lund oo ka tirsan qaybta Caafimaadka Dadwaynaha ee University of Copenhagen.
Waxay sheegtay in raggu ay jecel yihiin inay jaalkooda la wadaagaan wacdaraha noloshooda, balse markii ay iyadu noqoto isha walaaca iyo welwelka isaga haysta, raggu waa diiqadoobaan, taasina waxay wax u dhintaa caafimaadkooda.
Waxay rag badani marka ay welwelaan halis ugu jiraan inay rukuntaan raashin aan caafimaad qabin sida midka fudud, inay aalkolo cabaan ama hurdi waayaan, taasoo wiiqaysa caafimaadooda.
Waxay daraasaddu sidoo kale sheegtay in haweenku aysan wax badan oo dhib ah kala kulmin marka ay jaalkooda doodaan, maadaama ay marar badan iyagu bilaabaan, sidaa darteed, dhibaato caafimaad iyaga taasi inta badan uma gaysato.
Haweenkoow ragga u tartiibiya!
Hadalsame Media