SIYAASADDII FALAGGA: Nin CURRAAF ah oo aan ka harin hoggaanka mucaaradka Venezuela

0

(Caracas) 05 Juun 2019 – Siyaasiga mucaaradka ah ee sidoo kale sheegta inuu yahay Madaxwyanaha Venezuela, Md Juan Guaido ayaa la sheegay inuu yahay curraaf mar kasta la socdo nin xiddigaha iyo falagga eega, isagoo u adeegsanaya sidii uu u ridi lahaa Madaxwayne Nicolas Maduro.

Weriye ka tirsan New Yorker oo la yiraahdo Jon Lee Anderson ayaa sheegay in mar uu la kulmay Guaido uu indhihiisa ku arkay ninkan faalaloowga ah oo la yiraahdo Davíd oo iskugu sheegay inuu yahay “curraafka madaxwaynaha”.

Anderson ayaa xilliga uu la kulmay hoggaanka mucaaradka Venezuela waxaa loo ogolaaday inuu ula safro gobolka Vargas ee dalkaasi Venezuela bishii Maarso, markaasoo uu la socdey Davíd.

Intii ay wada joogeen wuxuu Davíd ku qayliyey in ciidamada taageeraya Maduro ay yihiin “shayaadiinul insi” wuxuu kaloo sheegay in Guaido uu kasoo jeedo beeldaaje noolaa qarnigii 16-aad oo aad ula dagaallamay gumaystihii Spanish-ka iyo in Maduro ku dhaqmo mad’hab la yiraahdo Santería oo ah mid shaydaan.

Hadalsame Media