(London) 05 Juun 2019 – Duqa magaalada London Sadiq Khan ayaa ku biiran hoggaanka Xisbiga Labour-ka Jeremy Corbyn isagoo Donald Trump ku tilmaamay wiil yar oo 11-jir ah.
Duqa London ayaa sheegay in aanu wax kasoo qaadaynin qoraallo uu Twitter soo dhigay odaygan 72-jirka ah ee MW Maraykanka oo Mr Khan ku tilmaamay ‘faashil aan dab lahayn’ markii uu kasoo degayay caasimadda Britain oo uu ku yimid booqasho 3 maalmood ah.
Wuxuu Khan ku yiri CNN: ‘Kani waa dhaqankii aan ka fili lahaa wiil yar oo 11-sano jir ah. Balse isaga ayay u taallaa inuu go’aansado sida uu u dhaqmayo.”
”Aniga se waxaa i khuseeysa arrinta ah inaanan sidiisa oo kale ula hadlaynin. Waayo iima qalanto inaan soo qoro tweet-yo ciyaalnimo ah oo aan dadka magacyo caay ah u bixiyo.”
Khan ayaa waraysi uu siiyay Channel 4 sidoo kale ku sheegay in Trump yahay cunsuri kubad ku ciyaaraya dareenka kooxaha xag-jirka ah ee Yurub.
Hadalsame Media