(Nairobi) 03 Juun 2019 – Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibedda Kenya, gaar ahaan ninkii Kenya u saxiixay heshiiskii muranka lagu geliyay dhul badeedka Somalia Moses Wetang’ula ayaa kasoo horjeestey qaabka ay Kenya wax u waddo.
Wetang’ula oo haatan ah Senatar ku jira Baarlamanka dalkaasi ayaa Kenya usoo jeediyay inay dhinto xawaaraha iyo heerka xaraar ee ay gaarsiinayso xiriirka Somalia, kaasoo dabcan ah arrin aan lafteeda anfici doonin.
Wetang’ula ayaa Twitter-kiisa kusoo qoray sidatan:
”Kenya waa inaan ka taxaddartaa inuu xiriirka aannu la leennahay Somalia ka hoos maro heerka uu haatan gaarey.” ayuu ku bilaabay Wetang’ula.
”Cududo Kenya ka xoog badan ayaa arrintan ka faa’iidaysan kara oo dalkeenna wax u dhimi kara. MW Ahuru waa inuu bootada joojiyaa oo uu Muqdisho booqdaa lana kulmaa madaxwaynohooda (Somalia).” ayuu daba dhigay.
Kenya should be careful not to let our bilateral relationship with Somalia sink below the current level. Powerful forces against Kenya can take advantage and hurt our country. Pr Uhuru should call their bluff and visit Mogadishu & meet their President.
— Sen.Moses Wetang’ula (@Wetangulam) June 3, 2019
Hadalsame Media