(Nairobi) 02 Juun 2019 – Dowladda Kenya ayaa mar kale dhiiqo dhex istaagtey oo ku ceeboowdey war toddobaadkii hore ay ku sheegatay inay lacag badan ku qabatay Garoonka Diyaaradaha Nairobi taasoo ku jirtey shandad aan lala socon oo ay ku jirtay lacag gaaraysa 1.7 milyan oo Doollar.
Yeelkeede, waxaa iminka soo baxaysa in aan wax caddeyn ah haba yaraatee sheegashadaasi loo wayay iyada oo la tixraacayo ilo Soomaaliya iyo Kenya ah.
Warqaadka maxalliga ah ee The Star ee ka soo baxa Kenya oo warbixinta la xiriirta lacagta laga soo xigtay ayaa qoray in sarkaal aanu magacaabin oo aad ugu dhow MW Somalia Md Farmaajo lacagtaa kasoo diray dhanka Itoobiya.
Ha yeeshee, warkan oo dhan ayaa haatan la hubiyey inaan wax caddeymo ah loo haynin oo ay beenyihiin, sida laga soo xigtay ilo kala duwan.
Kenya ayaa toddobaadkii hore dadka kaga yaabisay in sida ay tiri aysan u oggolaan doonin shandadaha aan lala socon ee ka imaanaya Soomaaliya in ay soo galaan Kenya, iyadoo aysan caadiba ahayn in dayuurad la saaro boorso aan lala socon.
Hadalsame Media