(Hadalsame) 03 Juun 2019 – Wararka ka imanaya magaalada Tumair, ee Saudi Arabia ayaa sheegaya in la arkay bisha Soonfur (Shawaal 1440), taasoo ka dhigan in Ciidul Fitriga loo dabbaal degi doono maalinta berri ah, Talaado 4-ta Juun 2019.
Wasaaradda Cadaaladda ee Imaaraadka Carabta ayaa iyaduna sheegtay in berritoole ay tahay maalinta 1-aad ee Ciidda Soonfur.
Dalka Mali ee Galbeedka Afrika isagu maanta oo Isniin ah 3-da Juun ayuuba ciidey maadaama uu ahaa dalkii ugu horreeyay ee Muslim ah ee sooma 5-tii Maajo.
Weli ma jiraan wax war ah oo kasoo baxay dhanka DF Somalia oo ku saabsan arrinta aragtida bisha Soonfur, mana jirto meel Somalia ka tirsan oo laga soo sheegay ilaa haatan.
Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo ka mid ah culimada Soomaalida ee ku sugan Kenya ayaa BBC-da u sheegay in dhalshada bisha Shawaal laga arkay meelo ka mid ah Kenya, oo ay ka mid yihiin magaalooyinka Garissa iyo Mandheera.
“Aragtida bisha waxaan ka xaqiijinnay dhowr meelood oo ka tirsan gobolka Waqooyi-bari Kenya sida deegaanka Korkora oo hoos taga Garissa iyo xerada qaxootiga Xagardheer, oo isla Garissa ah, waxaa kale oo aan ka xaqiijinnay ilaa 3 meelood oo ka tirsan Mandheera”, ayuu yidhi Sheekh Umal”.
Reports coming in from Tumair, Saudi Arabia that the #Shawwal moon has been sighted.
‘Eidul Fitr will be celebrated on Tuesday 4th June 2019 in Saudi Arabia.
May Allah ﷻ accept our fasting, prayers and acts of worship. Aameen
(Awaiting announcement from Supreme Court)— Haramain (@HaramainInfo) June 3, 2019
The Government of #Dubai Media Office, @DubaiPressClub and @Brand_Dubai wish you a blessed Eid Al Fitr. pic.twitter.com/TC918VrZQ5
— Dubai Media Office (@DXBMediaOffice) June 3, 2019
Hadalsame Media