(Addis Abeba) 03 Juun 2019 – RW Itoobiya, Abiy Ahmed, ayaa waraysigii ugu horreeyay siiyay VOA laanteeda af Amxaariga ayaa ka hadlay arrimo badan oo salka ku haya siyaasaddiisa cusub ee Geeska Afrika, gaar ahaan Somalia Waxaa waraysiga ka qaaday Eskinder Firew.
Wuxuu sheegay in ujeedkiisu aanu ahayn inuu beegsado koox gaar ah ama riixo qolo gaar ah, balse uu doonayo inuu sare u qaado danaha Itoobiyaanka.
”Waxaan si kalsooniyi ku dheehan tahay u dhihi karaa kuma lug yeelan doono dilka dadka ama inaan si sharci darro ah uga faa’iidaysto inaan dadka jeebabkooda baarto, ilaa iyo inta aan xilka hoggaamineed hayo” ayuu yiri RW Ahmed.
Mar uu ka hadlay doodda ay Kenya ku wajahayso Somalia wuxuu sheegay in dhib kasta oo ka dhex dhaca labadaa dal uu iyagana saamaynayo, sidaa darteed uu doonayo inuu gacan ka gaysto xallintiisa.
”Waxaan doonaynaa in dhamaan dalalka gobolku ay isu yimaadaan oo is taageeraan.” ayuu yiri.
Kenya ayaa muddaba cayrsanaysa siyaasad is maqiiq ah iyadoo doonaysa inay qaab xeer jajab ah ku qaadato dhul Soomaaliyeed oo ay muran u geliyeen rag sheeganaya mas’uuliyad Soomaaliyeed.
Hadalsame Media