DAAWO: Kenya oo MAMNUUCDAY in laga kalluumaysto xeebaha Jubbooyinka (Ujeeddo halis ah oo ka dambayn karta)

0

(Lamu) 03 Juun 2019 – Dowladda Kenya ayaa soo saartay amar mamnuucaya in laga kalluumaysto xeebaha u dhow xad badeedka ay la leedahay dalka Somalia.

Meelaha ay Kenya mamnuucday inay dadkeedu u kalluumaysi tagaan ayaa waxaa ka mid ah biyaha ku dhow xeebaha Jubbooyinka ee koonfurta fog ee Somalia.

Ninka amaanka ugu qaybsan ismaamulka Lamu County Joseph Konyeru ayaa sheegay ayaa go’aankan ku sheegay mid aan siyaasad la xiriirin, balse amaanka dartii loo qaaday, isagoo kalluumaysatada uga digey inay u dhowaadaan xeebaha Jubbooyinka, gaar ahaan dhanka Raaskaambooni.

Lama oga ujeedka ay Kenya tillaabadan u qaadday maadaama uu dhulkani yahay meel aanay iyadu ka talin sharci ahaan, iyadoo uu dhul-badeedkani ka mid yahay meelaha ay sheeganayso, balse waxaa beryahan dhanka Kenya kasoo baxayey tillaabooyin kala nooc ah oo aanay qaarkood micne samaynayn.

Sidoo kale waxaa dhici karta inay Kenya tillaabadan u qaadday inay si dadban ciidamo u gayso halkaasi (militarization), taasoo ka dhigan inay sidoo kale Soomaalidana u diiddo inay xeebeheeda ka jillaabtaan.

Muuqaalka: Universal TV

Hadalsame Media