(Florida) 02 Juun 2019 – 3 badmaax oo ka mid ah ciidamada la socda gujis ka mid ah Ciidamada Royal Navy ee dalka Britin oo sida 16 gantaal oo nooca nukliyeerka ah ayaa la arkay iyagoo cocaine qaadanaya, sida uu sheegay The Mail on Sunday.
Gujiskan HMS Vengeance ayaa ku dhacay waxa loo yaqaanno Tijaabada Khasabka ah ee Darooga ama Compulsory Drugs Test (CDT) oo loogu tala galay maadadan heerka 1-aad ah, kaddib markii uu gujiskan oo uu cufkiisu yahay 15,900-megeg uu booqday deked ay leeyihiin ciidamada Maraykanka oo ku taalla Florida.
Saamigii kaadidooda laga qaaday ayaa markii la baaray waxaa 3 ka mid ah laga helay maadada Kookaynta, waxaana 3-dooda laga dejiyay gujista markii ay ku noqotay saldhiggeeda Naval Base Clyde oo ku yaalla Faslane, Scotland.
Tan ugu werwerka badani waa in la sheegay in ay jiraan rag kale oo aan 3-dan ahayn oo saaran HMS Vengeance oo maadadan la isticmaalayay, balse aan imtixaankan ku dhicin.
Arrintan ayaa halis wayn leh, maadaama uu gujiskani ku hubaysan yahay hubka halista ah ee nukliyeerka, waxa ugu yar ee loo baahan yahay waa inay gacan ku yeeshaan dad uu maankoodu marqaansan yahay oo qaadan kara go’aanni aan maangal ahayn.
Hadalsame Media