WEBIGA GAROOWE? Roobka guga oo muuqaal nooc kale ah u yeelay magaalada Garoowe + Sawirro

0

(Garoowe) 01 Juun 2019 – Waxaa meelo ka mid ah Somalia ka da’aya roobab mahiigaan ah, waxaana meelaha uu roobkaasi helay ka mid ah magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Roobkan oo ku tirsan xilliga guga ayaa saaka muuqaal nooc cusub ah u yeelay magaalada Garoowe, iyadoo la arkayey durdurka ama togga Maja-maqarshe ee magaalada dhexmara oo qaab webi yeeshay.

Waloow aanu isu socodku sidii hore ahayn marka guud ahaan la eego dariiqyada magaalada oo ay xareedi jiifto, waxaa misna weli shaqaynaya isu socda dadka iyo gaadiidka dhanka kuwa adeegsanaya buundada magaalada isku xirta ee dul marta dur durka soo roga daadka ka dhasha xilliyada roobka.

Warar aannu ka helnay dad maxalli ah ayaa sheegaya in uu roobkani da’ayey muddo 3 habeen ah oo xiriir ah, taasoo keentay inay daadadku soo rogmadaan. Wax khasaare nafeed ah lama soo werin.

Halkan hoose ka daawo sawirro uu qaaday Siciid Sonna, iyadoo ay magaaladu u ekaatay sidii mid webi leh.

Hadalsame Media