DEG DEG: Laacib ka tirsan halyeeyadii Arsenal oo shil gaari ku geeriyoodey

0

(Sevilla) 01 Juun 2019 – Laacibkii hore ee kooxaha Arsenal iyo Sevilla, Jose Antonio Reyes ayaa shil gaari ku dhintay goor dhowayd isagoo 35-jir ahaa.

Farriin lasoo dhigay Twitter-ka Sevilla qaybta af Ingiriisiga ayaa u qornayd: ‘Ma sheegi karno war noogu xun geerida laacibkii ay Sevilla jeclayd ee Jose Antonio Reyes oo ku dhintay shil gaari oo isku dhac ka dashay.’

Reyes ayaa la sheegay inuu gaari kale ku dhacay jeer uu marayey tuulada Utrera, oo ah magaaladii uu ku dhashay oo ku taalla meel ka yara baxsan magaalada Seville.

TAARIIKH KOOBAN

Wuxuu beryihii dambe u safanayay koox heerka labaad ah oo la yiraahdo Extremadura, taasoo uu heshiis 5-bilood ah la galay bishii Jannaayo.

Reyes ayaa se waayihiisa ciyaareed ku bilaabay kooxda Sevilla, oo uu kulan bilowgiisii u dheeley isagoo 16-jir ahaa.

Wuxuu deeto u wareegay kooxdii la loodin kari waayay ee Arsenal oo uu fasalkii 2003-04 ugu wareegey £15milyan oo gini, wuxuuna la qaaday Premier League, FA Cup iyo Community Shield. Wuxuu ahaa Spanish-kii ugu horreeyay ee hanta horyaalka Ingiriiska.

Reyes ayaa ka tegey woqooyiga London isagoo amaah ugu biiray kooxda Real Madrid taasoo uu kasii aadey Atletico Madrid oo uu si rigli ah ugu wareegay 2007, kuwaasoo uu 2 jeer la qaaday Europa League.

Hadalsame Media