DAAWO: Nin dad ku laayey magaalo ku taalla Maraykanka (Wararkii ugu dambeeyay)

0

(Virginia Beach, VA) 01 Juun 2019 – 12 qofood ayaa lagu diley dad kale oo ka badanna waa lagu dhaawacay, kaddib markii nin lagu sheegay ”shaqaale murugaysani” uu rasaas kala daaley xarunta dowladda hoose ee dhismaha Virginia Beach oo ah magaalo ay deggan yihiin 450,000 oo qof oo saaran Badwaynta Atlaantigga. Ninkan ayay markii dambe booliisku dileen.

Madaxa Booliiska Jim Cervera ayaa ninkan ku sheegay “mid muddo dheer maamulka u shaqaynayey.” Wuxuu weerarka soo qaaday isagoo ku hubaysan bastoolad uu ku xirtey aamusiye isagoo soo qaatay dhowr khasnadood.

Ninka ayaa qof ku toogtey bannaanka dhismaha kaddibna gudaha u galay saacaddu markii ay ahayd 4 pm xilliga maxalliga ah, isagoo markii uu gudaha galay dadkii ku furan “rasaas aanu u aaba yeelin,” isagoo dad ku laayey dhamaanba 3 dabaq oo uu dhismuhu ka kooban yahay.

Waxaa deeto goobta soo gaarey laba dembi baare “oo waaya arag ah” iyo laba kale oo ka tirsan ciidamada eeyaha wata ee loo yaqaanno K-9 wuxuu ku bilaabay rasaas, taasoo uu mid uga dhaawacay, balse waxay ugu jawaabeen rasaas kale taasoo ay ku dileen, si aanu “dad kale u dilin.”

“Maanta waa maalin murugo leh marka la eego taariikhda magaalada Virginia Beach,” ayuu yiri Duqa Magaalada Bobby Dyer oo warbaahinta la hadlay.

 

 

Hadalsame Media