DAAWO: Iiraan oo soo bandhigtay dhufays-dhuleed ay yaallaan gantaallo halis ah & hub kale

0

(Tehraan) 01 Juun 2019 – Tehraan ayaa soo bandhigtay xarun ciidan oo ku taalla dhulka hoostiisa, taasoo loogu tala galay in lagu kaydiyo gantaalaha, sidoo kalena laga gano, haddii loo baahdo.

Muuqaal cusub oo soo baxay ayaa muujinaya in dhufays dhuleedkan oo sida la fahmi karo aan la sheegin goobta uu ku yaallo uu kayd u yahay gantaalo uu ka mid yahay Qiam-1. Waa gantaal ay Iiraan soo saartay oo shaqaynayey tan iyo 2010, kaasoo gaari kara masaafo dhan ilaa 750 KM.

Muuqaalkan oo lasoo saaray todobaadkii tegey, unbaa indhaha dadka soo jiitey shalay oo Jimce ahayd uun.

Dhufays dhuleedkan (bunker), oo lagu kaydiyo gantaallo iyo madaxyadooda ayaa u muuqda dusmo laga jeexay buur dhexdeed.

Waxaa halka laga soo galo ku yaalla irid wayn, waxaana dhinacyada ku dheggan sawirrada hoggaamiyeyaasha Iiraan iyo calanka Yuhuudda oo lagu dhinac qoray halkudhegga ”Ha dhimato Israel.”

Hadalsame Media