(Milano) 01 Maajo 2019 – AC Milan ayaa la sheegayaa inay UEFA kala xaajoonayso in laga saaro koobka Europa League si ay nadiif uga noqoto murannada dhaqaale wanaagga FFP, iyadoo go’aanka la dhowrayo Isniinta.
Kooxda Rossoneri ayaa sanadkii tegey UEFA uga raysay maxkamadda kaddib markii laga saaray tartanka fasalkii 2018-19, taasoo ay kusoo noqotay kaddib markii ay ku guulaysatey rafcaan ay u qaadatay Maxkamadda Isboortiga TAS.
UEFA ayaa deeto soo saartay go’aan kale oo Milan saaraya inay isu miisaanto dakhliga iyo kharashka ay bixinayso, balse muddada oo kooban iyo Milan oo aan sanadkan usoo bixin CL darteed waxay arrintaa u aragtaa mid ay adag tahay in laga jiba keeno.
Sidaa daraadeed, waxay Milan doonaysaa in ay iyadu codsato in sanadkan laga saaro tartanka Europa League, si ay bog cusub oo nadiif ah u rogto.
Sida ku qoran Corriere dello Sport iyo kuwo kale, Agaasimaha Guud ee Ivan Gazidis ayaa durba UEFA la wada wada hadallo ku saabsan in ay xukunkaa aqbalayaan haddii laga khafiifiyo xukunnada la saaray oo xorriyad dheeraad ah oo dhanka suuqa ah la siinayo.
Kooxda Torino oo 7-aad Serie A ka gashay ayaa sidaa ku qaadanaysa booska ay ka baxayso Milan oo 5-aad gashay, haddii ay tani dhabowdo.
Hadalsame Media