(Madrid) 31 Maajo 2019 – Guddoomiya La Liga Javier Tebas ayaa dib u shiday dooddii kala dhexeeysey Manchester City iyadoo uu hoggaanka La Liga uu Khaldoon Al-Mubarak ku eedeeyay jaahilnimo isagoo iska fogeeyay soo jeedin kasta oo isaga ku xiriirinaysa cunsuriyad.
Al-Mubarak, oo ah guddoonka City ayaa mar uu waraysi siiyey webka naadigiisa sheegay in laga ”masayrsan yahay” guulohooda, isagoo waraysigaa uga jawaabayey Tebas oo naadigan Premier League haysta ku eedeeyay inay kubadda Yurub ku duminayaan ”doollarka batroolka.’ Taasoo ka caraysiisey maamulka City oo sheegay inuu socdo ajende cunsuriyadaysan oo ka dhan ah naadiyada ay leeyihiin milkiilayaasha Khaliijku.
”Horta jaahilnimo wayn ayaa iiga muuqata meesha iyo ogaal la’aan ku qotonta sida uu u shaqeeyo xeerka maaliyadeed ee kubadda Yurub. Tan kale anigu cunsuri ma ihi gebi ahaanba.” ayuu ku bilaabay Tebas.
‘Sidee cunsuri u ahay iyadoo laba ka mid ah carruurta aan awoowaha u ahay ay Carab yihiin? Carruurtayda ayaan cunsuriyadaynayaa markaase! Waxay taasi muujinaysaa sida ay u sahlan tahay in wax la iska sheego iyadoo xog dhab ah iyo tafaasiil arrinta laga haynin.” ayuu daba dhigay Tebas oo sheegay in uu horay sidoo kale u eedeeyay milkiilaha Chelsea oo lacagta batroolku aysan ku koobnayn Carabta.
Hadalsame Media