(Addis Abeba) 31 Maajo 2019 – Waxaa barta rasmiga ah ee Wasaarad Dibadeedka Itoobiya lasoo dhigay khariidad laqday dalka Somalia, taasoo kaliya muujinaysa woqooyiga Somalia (Somaliland) oo gaar u taagan iyo koonfurta Somalia oo gebi ahaanba ka tirsan Itoobiya.
Waxaa kaaga sii daran in boggani uu yahay mid lagu dhigdhigayo wax lagu sheegay istaraatijiyadda cusub ee ay Itoobiya dibedda ku wajahayso, taasoo la dhaqan geliyey xilli ay Somalia dowlad ahaan burburtay oo ah 1991-kii.
Waxaa ku xusnayd in Itoobiya ay ila gaar ah u yeelanayso laba arrimood oo midi tahay nuglaanteeda gudaha, yacni sida ay u sahlan tahay inay iyadu is disho maadaama ay kala qoowmiyado tahay, iyo halisaha istaraajiga ee dibedda ka haysta, taasoo loo fasiran karo in halisahaa laga hor tago inta aanay Itoobiya soo gaarin, sida ay qabto aydholojiyadda siyaasadeed ee guunka ah ee loo yaqaanno Realism.
Yeelkeede, kaddib muranno badan oo arrintaa iyo liis safaarado iyo qunsuliyado la daabacay ka dhashay waxaa haatan bogga WAD Itoobiya saaran sawirro qurux badan oo muujinaya dalalka Bariga iyo Geeska oo uu mid kasta calankiisu dul saaran yahay.
Waxaa sawirradan lasoo saaray qayb la yiraahdo ”todobaadkan iyo Geeska Afrika” kaasoo ay saarnaan jireen calamadani, balse iminka dib loo naashnaashay oo wax laga bedeley naqshadda xitaa midabbadoooda.
Hadalsame Media