(New York) 31 Maajo 2019 – Aqalka cad ayaa la sheegay inuu E-mail u diray saraakiil ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga iyo talieyaasha markabka burburiyaha ah ee loogu magac daray Senator John McCain ee USS John McCain si magaciisa looga qariyo MW Donald Trump intii lagu jirey booqashadiisii Japan.
Waxaa la arkayey markabkan oo ka mid ah raxanta 7-aad oo xilligan ku sugan dalka Japan oo magaciisa garoonshiid wayn lagu dahaaray, sidoo kalena laga soke mariyey dooni yar oo taag ah, si ”aan Madaxwaynaha looga caraysiin!”
Waxaa intaa ka daran in askarta saaran markabka USS John McCain ayaa lagu casuumin khudbad uu Trump ka jeedinayey markab kale oo ku sugnaa saldhigga ciidamada badda ee Yokosuka Naval Base, waloow ay joogeen inta badan badmaaxyada maraakiibta kale, sida uu New York Times u sheegay qof ka tirsan ciidamada Yokosuka.
Askarigan oo magaciisa qariyey maadaama aan sharciyan loo ogolayn inuu si shaac ah u hadlo ayaa sheegay in laba ka tirsan ciidamada la socda markabka loogu magac daray McCain oo caadiyan xiran tuute uu ku qoran yahay magaca markabka oo yimid goobta xafladda iridda laga celiyay oo lagu wargeliyay inay dib u noqdaan.
Meghan McCain oo uu dhalay senatarka dhintay ayaa sheegtay in ay wax laga noxo tahay in Trump uu aabeheed uga hari la’yahay xitaa aakhiro. Labada nin ayaa aad isu nebcaa, iyadoo uu gaar ahaan Trump dhowr mar weeraray xitaa maalmihii uu sakaraadayey.
Trump oo arrintan ka hadlay ayaa waloow uu dafiray misna muujiyay inay arrinta wax ka jiraan, isagoo sheegay in ay jireen dad wanaag ula jeedey, balse aanu isagu amrin.
E-mail la sheegay in Aqalka Cad laga diray oo ku saabsan hab-raaca booqashada maraakiibta Maraykanka marka uu MW Trump halkaa tegayo ayay ku caddahay in si cad loo amrayo in aan goobta lagu arki karin markabka McCain magaciisa huwan, iyadoo lagu yiri ”hallaga dhaqaajiyo goobta ama halla qariyo.”
Ku simaha Wasaaradda Gaashaandhigga Patrick Shanahan ayaa dafiray inuu marna bixiyay amar noocan ah, isagoo sheegay in aanu marna xurmo tiraynin xusuusta wadani wayn oo Maraykan ah sida McCain.
Arrintan ayaa aad looga hadal hayaa dalka Maraykanka, iyadoo ay saxaafadda qaar tilmaamayso inay tani muujinayso in MW Maraykanku uu qabo cudurro ay ka mid ah midka nafsaaniga ah ee Narcissism.
Halkan hoose ka DAAWO…
Hadalsame Media