”Annaga ujeedkeennu maba aha inaan Al Shabaab ka TAKHALUSNO!” – Maraykanka duqaymaha ka wada Somalia

0

(Washington, DC) 31 Maajo 2019 – Yoolka Maraykanka ku sugan Somalia waa la wiiqo cududda ciidan ee Al-Shabaab si ay marka dambe heshiis siyaasadeed u ogolaadaan, ayuu yiri sarkaal sare oo ka tirsan Ciidamada Maraykanka qaybta Taliska US Africa Command.

“Ka hadli mayno in la baabi’iyo oo gebi ahaanba laga takhaluso,” ayuu yiri Danjire Alexander Laskaris, oo ku xigeen u ah qaybta rayidka ah ee maamulka Africom oo warbaahinta la hadlay.

Taa biddaalkeeda, wuxuu sharraxay in ujeedka Maraykanku uu yahay in si tartiib tartiib ah “loo wiiqo lana gaarsiiyo heer maaro loo heli karo.”

Weerarrada kooxdani ka waddo Somalia oo iminka 20 sano kusii dhow ayuu sheegay inay si kastaba dhamaan doonto iyadoo la adeegsanayo isku darka “weerar ciidan iyo wada hadal siyaasadeed,” sida uu qabo Mr Laskaris.

“Waxba igama gelin sida uu heshiiskaasi u dhacayo,” ayuu daba dhigay marka ay timaado heshiis dhex mara DF, maamullada iyo Al Shabaab, “balse waa in loo dhigaa si waafaqsan dhaqanka Soomaaliyeed.” ayuu soo jeediyay.

Hadalsame Media