(Hadalsame) 31 Maajo 2019 – Shirkii dib u heshiisiinta Soomaalida ee lagu qabtay Magaalada Carta ee Dalka Jamhuuriyada Jabuuti Sannadkii 2000 ayaa waxaa jirtey siyaasiyiinta iyo oday dhaqameedyada goob jooga ahaa ka sakow in ay ka qeyb galeen abwaano iyo fanaaniin soomaaliyeed kuwaas oo suugaan gubaabo ah halkaas kusoo bandhigay.
Haddaba nin soomaaliyeed oo oday waayeel ah, sidoo kalena ahaa abwaan, suugaan yahan ah oo ka xumaa sida ay u niyad jabsan yahiin dadka soomaaliyeed ee dhibaatada ku raagtay ayaa mar uu guubaabinayey dadkii halkaa isugu yimid waxuu yiri Sidan:
Shimbirta goroyada la yiraahdo marka ay dhasho ukunteeda waxay dhigtaa meel cidlo ah, ama ban aan xitaa hal geed ah u dhaweyn, oo cadow kasta soo gaari karo, si fududna u waxyeelayn karo. cid aan ILLAAHAY SUBXAANA WATACAALAA ahayn oo ukuntaa wehel u ah ama ilaaliyaana ma jirto.
Laakiin wakhti uunbay ukuntaasi kasoo dhex baxdaa shimbir yar oo nool oo caafimaad qabta, mar alla markay dibada timaadana noole orod ku gaari karaa ma jiro, waxayna isku martaaa dhul aad u kala fog.
Soomaaliya mitaal ahaan maanta waa ukun goroyo oo kale oo meel cidla ciirsila’ taalla, oo weliba ah bilaa Hooyo, Ehel iyo Saaxiib la’aan ah, dadkeedii midnimo la’aan ay yahiin oo Ciddii doontaana sida ay rabto ka yeeli karto waxaana tusaale noogu filan sida Itoobiya oo cadaw soomaaliyeed ah ay weli isugu dayeyso damaceedii ahaa in soomaaliya ay liqdo iyo weliba sida kenya ay maanta u hanjabayso iyadoo dooneysa in ay u qaadato badda soomaaliyeed waase iska xaal aduune Waxaa Alle idinkii imaan doonta maalin ukuntaasi dillaacdo oo sida Gorayadaa ay iyadoo faraxsan oo xoog badan sharafteedii iyo karaamadeedii soo ceshatay Soomaaliya ay qaaradaha aduunka isku marto Insha Allah.
Waxaa Qoray: Cabdullaahi Nuur Colombo
Hadalsame Media