Sharikaadka SD, Bluetooth & Wi-Fi ayaa si QARSOODI ah usoo celiyey adeeg ay ka goosteen Huawei

0

(New York) 30 Maajo 2019 – Isbahaysi ay leeyihiin sharikaadka Bluetooth, SD iyo Wi-Fi, oo markii hore Huawei ka saaray sharikaadka xubinta ka ah kaddib mamnuucitaankii MW Maraykanka ee Donald Trump kaddib markii agabkeeda lagu sheegay kuwo halis ku ah amaanka qaranka, ayaa haatan si qarsoodi ah usoo celiyey adeegyadaasi iyagoo aan shaacin.

3-dan shirkadood oo ah kuwo aan faa’iido doon ahayn ayaa Huawei ka tuuray sharikaadka ka faa’iidaysan kara, waxaana wer wer soo wajahey dadka haysta Huawei, oo adeegyadaa la’aantood uu ku dhowaad telefoonku bilaa micne la noqonayo.

Hay’adahan ayaa haatan adeegga usoo celiyey Huawei, balse lama faahfaahinin sababta, iyadoo ay madaxda Huawei macaamiisha u sheegeen inay sii adeegsan doonaan adeegyada Wi-Fi, Bluetooth iyo kaarka SD-ga ee codadka iyo muuqaallada qaada.

Taasi se kama dhigna inuu dhibkii Huawei dhamaaday, waayo Google ayaa waloow uu khafiifiyey marka la eego dadkii horay u haystey, wuxuu misna telefoonnada cusub ee Huawei ka xayiray barnaamijyadiisa ku shaqeeya Barnaamij Howleedka Android OS, taasoo ka dhigan inuu telefoonkaasi waayi doono cusboonaysiinta barnaamijyada ku jira (apps update).

Hadalsame Media