(Milano) 30 Maajo 2019 – Inter Milan ayaa ku dhawaaqday inuu xilkii ka tegey macallinkeedii Luciano Spalletti, taasoo u gogol xaareysa inuu xilka la wareego dhiggiisa Antonio Conte.
Warkan ayaan dad badan ka yaabinaynin, maadaama horayba loo hadal hayey, waloow uu Spalletti weli u murugoonayo geeridii walaalkii oo rawaxay laba maalmood kahor, balse lasii ogaa in Conte uu qalinka ku aasay qandaraas 3 sanadood ah.
“FC Internazionale Milano waxay xaqiijin kartaa in Luciano Spalletti uusan hadda kaddib ahayn macallinka kooxda 1-aad,” ayuu naadigu soo tweet gareeyay.
60-jirkan ayaa kooxda San Siro uga soo wareegey AS Roma xagaagii 2017 wuxuuna Nerazzurri laba jeer oo xiriir ah maalinta ugu dambeeysa qaab isu eg ugu soo saaray Champions League, – weliba kii 1-aad wuxuu ahaa koodii ugu horreeyay muddo 7 sano ah.
Conte ayaa lagu wadaa in isla maanta ama berriba lagu dhawaaqo inuu yahay ninka dhaxlaya macallinka baxay.
Hadalsame Media