(Hadalsame) 30 Maajo 2019 – Dalkasta wuxuu leeyahay mucaarad iyo muxaafid siyaasada dalka iskaga soo hor jeeda, lakiin waxay ka siman yihiin badbaadada iyo difaaca dalka iyo danta guud.
Nasiib daro kuwa maanta loogu yeero madax Goboleedka iyo kuwa ayaga iskugu yeero macaarad, waa kuwa ayka maqan tahay damiirka muwaadinimo oo aan fahmi karin waajib ka saaran dalkaan duulaanka lagu yahay.
Khaladadka madaxdda dowlad goboleedyada waxaa ka mid ah:
1 – Waa kuwo ugu shaqaysta awoodda gobollada danahooda gaarka u ah, oo aanan marnaba aan ka hadlin damaca shisheeyaha ku maaggan yihiin inay la wareegaan hantida iyo dhulka dalka Soomaaliya, ama qaarkood ay yihiin ganacsato iskooda u shaqeeysta ama gacan saar la leh ajaanibtaas.
2 – Waa kuwo aanan waxba u qabanin ama xog ogaalba u ahayn baahida dadka iyo gobolka ay masuulka ka yihiin iyo dadka ay masalaan.
3 – Waa kuwo inta badan ay ka lunsan tahay aq’laaqda siyaasad ee bulsho, oo aanan aqoon sharciga iyo muhiimada ka saaran gobolka iyo mida guud, oo aanan aqoon dastuurka waxay ajanabi u Keenan mooyee.
KHALADAADKA ”AXSAABTA” MUCAARADKA:
1 – Waa mucaarad aan lahayn aragti siyaasadeed oo soo jeedasho leh dadkana ku abuuri karo kalsooni.
2 – Waa mucaarad ku dhisan qabiil iyo dano gaar ah oo gacan saar la leh ajanabi cadawga ku ah dalka Soomaaliya oo maal- geliya mucaaradka oo markasta ka hor yimaada danta Qaranka (national interest)
3 – Waa mucaarad aanan awood u lahayn inuu ka hadlo ama u istaago difaaca qaranka.
4 – Waa mucaarad wax u dhimaaya jiritaanka dowladmino oo aan dumin mooyee aan dhisid shaqo ku lahayn.
5 – Waa kuwa khalad ay hore u sameeyeen ku eedeeya dowladda hada jirta, walina damac ka sii leh inay hirgeliyaan waxyaabaha ay dowladda hada jirta ayku eedeeynayaan.
Arrimaha aan kor ku sheegay awgood, madaxdda dowlad goboleedyada iyo kuwa iskugu yeera xisbiyo mucaarad ah waa sidii guri aanan tiiraar ku taagnayn oo kale oo aan waxba laga sugaynin.
Wa bilaahi towfiiq.
Waxaa Qoray: Sheekh Nuur A Qaasim
FG: Qoraalkani wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku saxiixan
Hadalsame Media