JAAJUUS: Facebook oo ay markale ku caddaatay inuu macaamiishiisa BASAASO (Arrin lala yaabay oo dhacday!)

0

(Wales) 20 Maajo 2019 – Gabadha weriyaha ah ee Tyler Mears ayaa sheegtay inay hubto inuu Facebook dadka basaaso, kaddib markii ay mar qura heshay laba iidheh oo khuseeya arrin ay dad kala hadlaysey iyadoo adeegsanaysa farriin-qaadaha Facebook.

Gabadhan ayaa sheegtay inay ka hadlaysey waxyaabo aan caadi ahayn, balse isla maalintii xigtey ay boggeeda ku aragtay iidhehyo waafaqsan wixii ay ka hadlaysey oo lagu soo farraqay.

Agaasimaha Guud ee Facebook ee Mark Zuckerberg ayaa horay u dafiray oo aragti dhagareed ku sheegay in camaaliqadan baraha bulshadu ay adeegsato codadka iyo qoraallada ay dadku is dhaafsadaan si ay deeto xogohooda ugu iibiyaan iidhehyo waafaqsan waxyaabaha ay danaynayaan, balse cidna kama akhrisanin middaasi.

”Waxaa muuqata inuu Facebook na dhegeysto 24/7 – Haddii aanay sidaa ahayn sidee ku keenay inuu iisoo diro iidheh ku saabsan wixii aan ka hadlayey.” ayay is waydiisey Tyler, oo u shaqaysa Wales Online.

Facebook ayaa la sheegay inuu gaar ahaan leeyahay agab uu ku dhegeysto mikrofoonnada uu marayo wada hadalka dadka ku sheekaysanaya messenger-ka, si uu ugu bartilmaameedsado iidhehyo uu lacag uga qaato malaayiin shirkadood.

Hadalsame Media